Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhoweeyay deegaanka XaajiKheyr oo ka tirsan Degmada Dangoroyo.
Deni iyo xubnaha la socday ayaa kormeeray Buundada degaanka Xaaji Kheyr oo ay burbur u geysteen Roobabkii dhowaan da’ay.
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Hay’adda Wadooyinka, Wakaaladda Biyaha , Maamulka Deegaanka iyo Injineerada Shirkadihii hore u dhisay Buundada, wuxuuna faray in qiimeyn la sameeyo si dhakhso loogu dhiso Wadada.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo lagu soo dhoweeyay deegaanka Dalsan oo ka tirsan Degmada Dangoroyo, ayaa xariga ka jaray Ceelka laga hirgeliyay deegaanka Dalsan, Kaasi oo waxbadan ka daboolay Bulshada baahida Biyo ee ka jirtay deegaanka.