Maxkamad ku taalla dalka Bosnia ayaa 14 sano oo xabsi ah ku xukuntay haweeney loo yaqaan “Gashaantidii nolosha iyo Geerida” dambiyadii dagaal ee ay gaysatay sagaashameeyadii.
Azra Bašić ayaa lagu helay dambiyo ay gaysatay intii uu socday dagaalkii jamhuuriyadaha Balkans-ka, kuwaasoo ay ka mid yihiin jirdil ay u gaysatay shacabka qowmiyadda Serbiyiinta.
Xaakimka ayaa sheegay in Bašić ay mas’uul ka ahayd cadowtinimo gaar ah oo lagula kacay dadkii ay soo xireen ciidammada Croat-ka Bosnia.
Xukunka lagu riday Bašić ayaa ah kii ugu xanuunka badnaa ee madaxa loo galiyo haweeney loo haysto inay gaysatay gaboodfallo intii uu socday dagaalkii Bosnia.
Bašić, oo ah 58 jir horay uga tirsanaan jirtay ciidammada Croat-ka Bosnia ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaadatay jirdil loo geystay shacabka qoomiyadda Serbiyiinta oo dagaal xun uu kala dhexeeyey Croat-ka iyo muslimiinta Bosnia.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ay si isdhaaf ah u xirxiri jirtay maxaabiista, nin ka mid ah maxaabiistana ay ku qasabtay in uu cabo shidal ka hor inta aysan dab ku shidin gacmihiisa iyo wajigiisa, kuwa kalana waxa ay ku qasabtay in iyagoo qaawan ay ku dhex guurguurtaan dhalooyin jajaban.
Dambiyada ugu khatarsan ee ay gashay ayaa ahaa dilka maxbuus ay qoorta toori ka galisay, sida uu sheegay xaakimka maxkamadda Bosnia.
Haweeneydan oo markii uu dhamaaday dagaalkii Bosnia baxsatay ayaa sanadkii 2011 laga soo qabtay gobolka Kentucky ee wadanka Maraykanka oo ay ku dhuumaneysay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com