Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Faahfaahin: Iska horimaad Khasaare sababay oo ka dhacay Garowe

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan iska horimaad khasaare geystay oo xalay fiidnimadii ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Warar kala duwan ayaa sheegaya in rasaasta ay dhexmartay ciidanka Booliska iyo rag hubaysan oo lala xiriirinayo ka ganacsiga maandooriyaha Khamriga.

Booliska ayaa isku dayaayey raggaas iney qabtaan balse iska caabin ayey la kulmeen, kumana guuleysan sida ay ku waramayaan dad goob joogayaal ah.

Saddex askari oo ka tirsan Booliska Puntland oo ay ku jirto gabar ayaa ku dhaawacmay rasaasta fiidnimadii xalay laga maqlay magaalada Garoowe.

Maandooriyaha Khamriga oo horseeday amni-darro baahsan ayaa muddooyinkii danbe caadi ka noqday Garoowe, iyadoo ragga maandooriyahaas ka ganacsada ay yihiin kuwo hubeysan, taasoo Booliska ku noqotay caqabad la xiriirta iney soo xiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in dowlada Sacuudigu ay sameysaneyso hub halista ah ee Nukliyerka?

Caydiid Ali

Sharciga la Dagaalanka Argagaxisada oo la ansixiyay iyo Mahad Salaad oo ka hadlay

Cabdi Cade

Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay dagaalyahano katirsan Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---