Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa war cad ka soo saartay dhimista ciidanka ATMIS ee ka howlgala dalka, kadib markii ciidamada xoogga dalka ay awood buuxdo u yeesheen la wareegidda amniga guud ee dalka.
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay Wasaaradu in ay ka go’an tahay sidii Ciidanka Qalabka sida u qaadi lahaayeen mas’uuliyadda ah in amniga dalka kala wareegaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu xusay in illaa iyo dhamaadka bishan June aynu ku jirno ay dalka ka baxayaan 2000 oo ka mid ah ciidamada ATMIS, taasi oo qeyb ka ah qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2628 iyo 2670.
HOOS KA AKHRISO BAYAANKA OO ENGLISH KU QORAN