Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa caawa shir guddoomiyay kulanka 22-aad ee Guddiga Joogtada ah Golaha Shacabka, kaasoo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, waxaana warbixin ku saabsan safarkii Sucuudiga uu xubnaha guddiga uga warbixiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo mid mid u dul istaagay kulamadii uu la qaatay madaxda Baarlamaanka dalka Sucuudiga.

Kulanka Guddiga Joogtada ah ayaa sidoo kale looga hadlay ajandeynta kulamada soo aaddan ee uu yeelan doono inta lagu guda jiro kalfadhigan seddaxaad, waxayna xubnaha guddiga aad uga hadleen sidii goluhu kalfadhigan uga shaqeyn lahaayeen wax ka bedelka iyo dhamaystirka Dastuurka KMG ah iyo heshiisyada caalamiga ah ee ay gasho Xukuumadda. Sidoo kale waxaa laisla soo qaaday la xisaabtanka Xukuumadda iyo kor joogteynta hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Related posts

Dowlada uu hada Hogaamiyo Farmaajo oo lagu tilmaamay Mid fowdo iyo Qas u taagan

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyadeeyay Geerida Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

Cabdi Cade

War Cusub: Israel oo duqeysay fariisimo ciidamada Masar ah ku leeyihiin xadka Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---