Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday Masjid ay ka socotay Salaad Janaaso

Weerar ismiidaamin ah ayaa maanta lala beegsaday Masjid ay ka socotay salaad Janaaso oo yaalla gobolka Badakhshan ee waqooyi bari Afghanistan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 15 qof, sida ay saraakiishu sheegeen.

Sarkaal hore oo ka tirsan booliiska Taliban ayaa ka mid ah dadka ku dhintay qaraxan, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 30 kale oo ku sugnaa agagaarka Masjidka Nabawi, sida uu sheegay Abdul Nafi Takor oo ah afhayeenka Taliban u magacawday Wasaaradda arrimaha gudaha. Wuxuu intaas ku daray in tirada khasaaruhu ay intaas ka sii badan karto.

Xafiiska guddoomiyaha gobolka Badakhshan ayaa markii dambe sheegay in weerarka uu fuliyay qof is-miidaamiyay iyo in “dhowr ka mid ah dhaawacyada halista ah ay diyaarado helikobter ah u qaadeen Kabul si loogu daweeyo.

Salaada Janaasada ayaa loo sameynayay Nisar Ahmad Ahmadi oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii Badakhshan kaasoo Talaadadii lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay Magaalada Faizabad ee caasimada Badakhshan. Weerarkaas ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay darawalkii guddoomiye ku xigeenka waxaana ku dhaawacmay 10 qof oo kale.

Moazuddin Ahmadi, oo ah sarkaalka Taliban u qaabilsan warfaafinta iyo dhaqanka, ayaa sheegay in Safiullah Samim oo hore u ahaan jiray madaxii hore ee booliska Taliban ee Baghlan uu ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii maanta.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan balse kooxda dowladda Islaamiga ah ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii gaariga ee Talaadadii.

Madaxweynihii hore ee Afghanistan Hamid Karzai ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo bartiisa twitter-ka ku sheegay in qarxinta masaajidda ay tahay fal “argagixiso” oo ka soo horjeeda Islaamka.

Arbacadii, dhowr sarkaal oo sarsare oo Taalibaan ah ayaa ka soo qayb galay aaska Axmadi, oo ay weheliyaan boqollaal qof oo deggan Faizabad.

Madaxa ciidamada Taliban Fasihuddin Fitrat, ayaa cambaareeyay weerarada IS ee Badakhshan, wuxuuna dadka ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee Taliban oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaqyada ay ka shakiyaan ee ka jira deegaanadooda.

Bishii Disembar, qarax baabuur ayaa lagu dilay taliyihii booliiska gobolka Badakhshan, xilli uu ku sii jeeday goobtiisa shaqada. kooxda IS ee gobolka – oo loo yaqaan dowladda Islaamiga ah ee gobolka Khorasan – ayaa xilligaas sheegatay in ay fuliyeen weerarka. IS waxa ay sheegtay in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay wadada soo dhigtay kadibna ay qarxisay markii uu goobta ku sugnaa Taliyaha Booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyaha Aqalka sare oo taageeray Dalabkii Puntland baaq cusubna soo saaray

Cabdi Cade

Daawo Sawirada : Mid kamid ah Kaamirooyinkii saakay lagu qarxiyay Muqdisho

Cabdi Cade

Beesha Xawaadle oo Ugaas Cusub Calaamadeesatay Kadib geeridii Ugaas Xasan (Sawirro)

Cabdi Cade