Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somaliland oo ka jawaabtay bayaankii ka soo baxay Golaha amaanka ee QM

Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan Puntland iyo kuwo ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab oo qaab qabiil loo abaabulay ay qayb ka yihiin dagaalka Laascaanood.

Qoraalka war saxaafadeedka ee Somaliland oo looga jawaabayay bayaan kasoo baxay golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa lagu yiri

“Caqabadda ugu weyn ee nabadda iyo xasiloonida Laascaanood hortaagan ayaa ah ciidamo maleeshiyaad ah oo ka soo jeeda maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo iyagu si firfircoon u hurinaya colaadda. Waxaa muuqata in dagaal-yahanada Al-Shabaab ay sidoo kale qaab qabiil u adeegsadaan dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan Laascaanood.” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed.

Sisoo kale Somaliland ayaa sheegtay in sida kaliya ee lagu xallin karo colaadda Laascaanood ay tahay in ciidamada Puntland laga saaro Laascaanood

“Sida kaliya ee lagu xalin karo colaada Laascaanood ayaa ah ka bixitaanka ciidamada Puntland ee Laascaanood. Waxaan sidoo kale ka codsaneynaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay taageeraan billowga dadaallada nabada.”ayaa lagu soo gebagebeeyey warka ay soo saartay Somaliland.

Golaha Ammaanka ee QM oo kulan gaar ah yeeshay xalay ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Soo lee Waqooyiga Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay golaha.

Bayaanka Golaha Ammaanka ayaa ugu horeyn dib u xaqiijiyay xurmada ay u hayaan madax banaanida dhuleed, jiritaanka qaranimo, iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Warbixinta golaha ee xaaladda Laascaanood ayaa lagu sheegay in shacab badan ay ku dhiteen colaadda ka taagan magaalada, ilaa iyo 150,000 oo qofna ay ku barakaceen.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa tacsi u diray ehelada kuwii colaadda ku nafwaayay, soo kabashana u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay heshiis xabad joojin ah gaaraan, waxayna booriyeen wada-hadal loo dhanyahay oo colaadda nabad ku soo dabbaala.

Warbixinta ayaa dhinaca kale ugu baaqday Xafiiska Qaradamada Midoobay ee Soomaaliya inuu taageero iyo gacan dheeri ah ka geysto arrintan.

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa dhinaca kale ugu baaqay Somaliland inay si dhaqso ah ciidamadeeda ugala baxdo Laascaanood, islamarkaana ay dhinacyadu is xakameeyaan, oo ay joojiyaan daandaansiga iyo hadallada colaad hurinta ah.

Golaha ayaa xusuusiyay dhammaan dhinacyada waajibaadka ka saaran ilaalinta sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimo iyo shuruucda xuquuqda aadanaha.

Waxaa kale oo goluhu uu xusuusiyay dhinacyada in lagula xisaabtami doono mas’uuliyaddaasi saaran, gaar ahaan kuwa jebiya shuruucdaas caalamiga ah ama gaysta xagdugudubyo dhinaca xuquuqda aadanaha ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir looga hadlayo xaalada Itoobiya

Cabdi Cade

R/W Khayre Oo Shir-guddoomiyay Kulan Muhiim ah oo ka Dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Putin oo booqasho xasaasi ah ku tagaya dalal carbeed iyo ujeedka safarkiisa

Caydiid Ali