Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Qoorqoor oo kulan isugu yeeray Golihisa Wasiirada, amar cusubna siiyey

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa warbixin ka siiyay golaha wasiirrada hishiiskii Madasha Wadatashiga Qaran, iyadoo fadhiyada soo socda go’aan laga gaari doono.

Sidoo kale wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib U Hishiisinta ayaa golaha hor keenay xeerka dhulka Galmudug iyo warbixinta laba degmo.

Sidoo kale Wasaaradda Amniga ayaa warbixin ka siisay golaha halka uu marayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka argegaxisada Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa golaha faray in la dardar galiyo howlaha shaqo ee xukuumadda oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo doorashooyinka qof iyo codka ah ee dhawaan billaaban doona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Shacabka Muqdisho oo helaya Shahaadada Guurka iyo Furriinka

Cabdi Cade

(Sawirro) Sidee Xasan Shiikh loogu soo dhoweeyey Magalada Dhuusamareeb?

Caydiid Ali

Dr. Mohamed Ayoya oo loo soo Magacaabay Somalia, lagana Gudoomay warqada aqoonsiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---