Allbanaadir.com
NEWS

Agaasimihii Guud ee Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo xabsiga la dhigay

Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir,  ayaa maanta waaran maxkamadeed’ ku soo xiray eedeysane Cabdulaahi Maxamed Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu ku soo eedeeyay musuq.

Qoraal ka soo baxay taliska Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono Maxkamadda Gobolka Banaadir ka dib marka baaristu dhamaato.

Booliska Gobolka Banaadir faahfaahin dheeraad ah kama bixinin musuqa lagu eedeeyey eedeysane Cabdulaahi Maxamed Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay iney qaadeyso talaabooyin adag oo lagu xakameynayo musuq la sheegay inuu ka jiro qaar ka mid ah heyadaha dowlada, waxaana horey loo xiray saraakiil iyo masuuliyiin loo heysto wax isdaba marin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay degmada Guriceel

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo dowladda Finland kala hadlay Xadgudubka Itoobiya

Cabdi Cade

Madaxweyne Biden oo si adag u beeniyay Warar lagu faafiyay Warbaahino waa weyn

Cabdi Cade
Taboola Ads ---