Allbanaadir.com
NEWS

Hoggaanka cusub ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha oo la magacaabay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hoggaanka cusub ee hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka kadib markii ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.

Hoggaanka Cusub ee Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaran ayaa kala ah:

(1). Marwo Safiya Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

(2). Mudane Cabdullahi Aadan Cabdi, kuxigeenka 1-aad ee guddoomiyaha hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

(3). Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad, ku xigeenka 2-aad ee guddoomiyaha hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Related posts

(Daawo Sawirro) Ciidamada Ruushka oo ku sii siqaya Magaalada Sievierodonetsk

Caydiid Ali

Koobka K/Cagta adduunka oo ka bilowday Ruushka & Ciyaartii furitaanka oo 5-0 lagu badiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax weyn oo ka dhacay Masjid iyo dad uu ku jiro imaamkii oo ku naf waayey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---