Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta Xafiiskiisa Kulan kula qaatay Ergayga cusub ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing iyo Ku Xigeenkeeda cusub Ahna u qeybsanaha iyo Isku-duwaha Howlaha Bini’aadanimo ee Soomaaliya Md. George Conway.
Kulanka oo ahaa is xogwareysi ku saabsan arrimaha amni, howlgalada lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab, Bini’aadanimada, iyo Kor u qaadista arrimaha horumarinta deegaanada Dowladda Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Ergayga cusub ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya taageerada kala duwan oo ay la garab taagan tihiin Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada adeegyada horumarinta iyo arrimaha bini’aadanimada isagoo xusay in wadashaqeyn dhow ay ka dhaxeeyso Hay’addaha Dowladda iyo kuwa Qaramada Midoobay.
Ergayga cusub ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diiran ee loogu sameeyay Magaalada Jowhar iyadoo balanqaday inay adkeyn doonto xiriirka iyo wadashaeynta ay la leedahay Dowladda Hirshabeelle sidoo kalana ay ka taageeri doono Arrimaha amniga, horumarinta iyo gargaarka.