Golaha wasiiradda xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa meel mariyay magacaabista Maareeyaha hey’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Mudane Cabdiweli Timacadde .
Cabdiweli Timacadde ayaa horey usoo noqday agaasime kuxigeenka madaxtooyada Puntland, waxa uuna sidoo kale ninkan kamid ahaa dadka aadka ugu dhawaa madaxweyne Deni qeyb weyna ka qaatay ololihiisii doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Maareeyaha cusub ee loo magacaabay hey’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Timacade ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda magaalada Laascaanood, waxa ayna magacaabistiisa imaaneysa xilli Muqdisho joogaan isimada gobolka Sool.
Xilkan loo magacaabay Cabdiweli Timacadde ayaa noqonaya xilkii ugu sareeyay ee loo magacaabo qof kasoo jeeda deegaannada Puntland, tan iyo markii khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Deni iyo DF uu gaaray meeshii ugu xumeyd.