Allbanaadir.com
NEWS

Cali Jeyte oo Shaaciyay in Dagaalkii Al Shabaab isaga haray eedeyna u jeediyay Dowladda

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa dowladda Soomaaliya ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen qaadista wajiga labaad howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee wali ku xooggan qaar kamid ah gobolada dalka.

Cali Jeyte ayaa muujiyay sida uusan ugu qanacsaneyn sida ay dowladda Soomaaliya u wajaheyso wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxa uuna xusay in dowladda hoos u dhigtay doorkii dagaalka ku lahaayeen dadka deegaanka.

“Waxay u baahan tahay aragti qaran aniga masii wadi karo (dagaalka), mar haddii xaduuda Hiiraan laga gudbo ka masuul ahaan ima quseyso. Aragtida aan qabo dagaalkan markii hore kuma bilaaban aragti qaran ee si lama filaan ah ayuu ku bilowday wuuna ku guuleystay.” Ayuu yiri.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in qaabka kaliya ee looga guuleesan karo Al Shabaab in ay tahay in la helo kacdoon dadweyne , waxa uuna xusay in dowladda hadda ka weecatay foormaladii dagaalka ee looga guuleestay Al Shabaab.

Cali Jeyte ayaana si weyn uga soo horjeeda qaabka dowladda dooneyso in lagu bilaabo wajiga labaad ee dagaalka, waxa uuna sheegay in uu isaga haray dagaalka, xilli la filayo in wajiga labaad ee dagaalka qeyb ka noqdaan  ciidamo Itoobiyaan ah .

“Aniga halkaas ayaa uga haray, malaha foormalo ka fiican ayay dowladda hayaane, kaas ayaa ka sugayna iyo waxii kasoo baxo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in la bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana hadda hakkad galay howlgalkii horey uga socday qaar kamid ah gobolada dalka, taa oo keentay in mar kale Al Shababa isa soo aruursadaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira inay Soomaaliya iyo Kenya ka wada hadlayaan arrinta baddii ay xukuntay ICJ ?

Cabdi Cade

Farmaajo oo la sheegay in Dastuurka iyo Danta Qaranka uu kala weyn yahay Fahad Yaasin

Cabdi Cade

Fadeexad ka jirta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---