Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirrada Gaashaanshigga Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Arrin muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Maxamed Nuur oo booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa magaalada Riyadh kulan kula qaatay Wasiirka Difaaca Boqortooyada Saudi Arabia Khalid Bin Salman Bin AbdulAziz.

Kulanka dhax maray labada wasiir ee Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah ay kamid yihiin iskaashiga dhanka Difaaca iyo Amniga labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal

“Waxaa sharaf ii ahayd inaan la kulmo walaalkay, Amiir Khalid bin Salman bin Abdulaziz, Wasiirka Difaaca ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Waxaan ka wada hadalney sida loo xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga difaaca iyo amniga labadeena dal ee walaalaha ah, waxaana uga mahad celinayaa soo dhaweynta wanaagsan ee uu noo sameeyay aniga wafdigeyga” Ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa taageero kala duwan ka raadineysa dalalka Carabta qaarkood, waxa ayna dowladda dalalkaasi inta badan ka codsataa taageere dhaqaale iyo mid dhinaca gaashaandhigga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Calan muran iyo shaki badan abuuray oo lagu ag arkay Maxamed Al-Bashiir

Cabdi Cade

Ciidanka NISA oo sheegay iney Muqdisho ku qabteen nin qaraxyo diyaarinayey

Caydiid Ali

RW Xamsa oo booqday garoonka Aden Cabdulle, amar in deg deg ahna bixiyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---