Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) RW Ku-xigeenka DF & wafdi uu horkacayo oo gaaray Lusaka+Ujeedka

Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey Magaalada Lusaka ee Caasimadda dalka Zambia.

Saalax Axmed Jaamac iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya barri shirka 22aad ee COMESA oo halkaas ka furmaya

COMESA oo ah suuqa guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ayaa shirkiisa 22-aad ayaa waxaa ka qayb galaya madax ka kala socota Qaaradda Afrika.

Waxaa lagu lafa-guri doonaa is-dhexgalka dhaqaale iyo kor u qaadidda ganacsiga gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Lusaka ku soo dhoweeyey masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowlada Zambia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo Dhaqaatiir Adeegyo Caafimaad fulinaysa usoo direysa Soomaaliya

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlada Somalia oo si kulul uga hadashay Weeraro ka dhacay dalka Sacuudiga

Caydiid Ali

Taliska Xoogga dalka oo War ka soo saaray boob la sheegay inuu ka dhacay Xerada tababarka Imaaraadka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---