Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Safaaradii Iran ku laheyd Sacuudiga oo dib loo furay todoba sano ka dib (Sawirro)

Iran ayaa si rasmi ah dib ugu furatay safaaradeeda Sacuudiga Talaadadii, sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee Reuters, ka dib markii la gaaray heshiis dib loogu soo celinayo xiriirkii iyo in la fududeeyo xafiiltanka dheer ee sii huriyay colaadaha Bariga Dhexe.

Munaasabad ka dhacday gudaha xarunta safaaradda oo ay ka soo qeyb galeen tobanaan diblumaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa markii ugu horeysay muddo 7 sano ah dib loogu furayay safaaradda.

“Waxaan maanta u aragnaa maalin muhiim u ah xiriirka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo Sacuudiga,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iran Alireza Bikdeli.

“Gobolku wuxuu u dhaqaaqi doonaa Insha’Allaah (Ilaahay idamkii) wada shaqeyn ballaaran iyo isku xirnaan si loo gaaro xasillooni, barwaaqo iyo horumar,” ayuu Bikdeli ku sheegay khudbad uu ka jeediyay xafladda.

Bishii Maarso, Iran iyo Sacuudi Carabiya waxay ku heshiiyeen, heshiis uu dhexdhexaadin ka yahay Shiinaha, si loo soo afjaro khilaaf diblomaasiyadeed iyo dib u soo celinta xiriirka ka dib sanado badan oo cadaawad ah oo halis gelisay xasilloonida gobolka oo ay ku jiraan Yemen, Suuriya iyo Lubnaan. Heshiiska ayaa sidoo kale muujiyay saameynta sii kordheysa ee Shiinaha ee Bariga Dhexe.

Sunniga Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jaray Iiraaniyiinta Shiicada ah, kaddib markii la weeraray safaaraddii ay ku lahaayeen Tehran sannadkii 2016-kii, markii uu muran ka dhashay dil toogasho ah oo lagu fuliyay Sheekh Muslim ah oo Shiico ah.

Xiriirka ayaa sii xumaanayay sanad ka hor, kadib markii Sacuudiga iyo Imaaraadka ay soo farageliyeen dagaalka Yemen, halkaasoo dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran ay meesha ka saareen dowlad uu Sacuudiga taageero, isla markaana la wareegeen caasimadda Sanca.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale ku eedeysay Jamhuuriyadda Islaamiga ah weeraro gantaallo ah iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday xarumaheeda saliidda sanadka 2019 iyo sidoo kale weeraro lagu qaaday maraakiibta mara biyaha Khaliijka. Iran ayaa beenisay eedeymaha loo soo jeediyay.

“Diblomaasiyadu waa habka ugu wanaagsan ee xiriirka iyo wadahadalka u dhexeeya wadamada si loo gaaro isfaham guud,” ayuu yiri Bikdeli.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis is-afgarad ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Maamulka Puntland ee gobolka Mudug oo fagaare ku gubay Khamri fara badan (Sawirro)

Caydiid Ali

Muran cusub oo ka dhashay xil ka xayuubintii lagu sameeyey Taliye C/xakiin Yuusuf Xuseen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---