Guddoomiye ku Xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Maanta Shir guddoomisay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 3aad oo uu wahlinayo Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow waxaana soo xaadiray 147 Xildhibaan.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa
1.Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka.
2.Akhrinya 1aad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka.
Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi Ayaa Xildhibaanada ka hor aqriyay Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka Asigoona u sheegay in hindise Sharciyeedkaan uu Dalka Muhiim u yahay loona baahanyahay xildhibaanada in ay Ahmiyad gaar ah siyaaan.
Intaasi kadib Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka. Iyagoona Su’aallo kaweeydiiyay qodobo kamid ah Hindise Sharciyeedka uu wasiirka hor keenay xildhibaanada ayaa su’aalahooda iyo doododa u badneeyd toosin iyo talo soo jeedin ku saabsan Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka.
Guddoomiye ku Xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa soo xirtay kulanka maanta iyadoona fartay ku-simaha Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Ahna xoghaye ku-xigeenka Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Cabdullaahi ciyow in uu kuwareejiyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamuladda Gobollada iyo Amniga Ee Golaha Shacabka BJFS si ay talooyinka xildhibaanada iyo turxaan bixintooda ay ugu soo biiriyaan si markale xildhibaanada Akhrinta labaad dood ugu yeeshan.