Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha ciidamada Itoobiya ee jooga Jubbaland iyo Arrinta Gedo oo..

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Ethiopia ee ka hawlgala Jubbaland Kornel Wedaj Bogale.

Kulanka ayaa looga hadlay Xaaladda Amni ee Dalka gaar ahaan sidii loo dardargalin lahaa dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo Taageerada hawlgalada Ethiopia ee Soomaaliya.

Warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in Axmed Madoobe taliyaha kala hadlay sidii ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo ula shaqeyn lahaayeen maamulka cusub uu usoo magacaabay gobolka Gedo.

Gobolka Gedo waxaa jooga ciidamo badan oo ka socda dalka Itoobiya oo isugu jira kuwa ku howlgala magaca ATMIS iyo ciidamo kale oo si caadi ah u jooga gobolkaasi, waxa ayna ciidankaasi wada shaqeyn kala dhaxeysaa maamul Jubbaland ka madax bannaan oo Gedo ka arimiya.

Related posts

Golaha shacabka oo maalintii labaad ka dooday canshuurta Iibka

Caydiid Ali

Xaaf oo kusii jeeda magaalada Dhuusomareeb kadib markii la qanciyay !!

Cabdi Cade

Britain oo sheegtay iney Somalia u soo direyso ciidamo burburiya Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---