Allbanaadir.com
NEWS

Qaraxyo Ismiidaamin ah oo lagu weeraray ciidamada Itoobiya iyo Al Shabaab oo War kasoo saartay

Qaraxyo ismiidaamin ah ayaa saakay lagu qaaday xero ay leeyihiin ciidamada milatariga Itoobiya oo kutaalla degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxaana weerarkan ka dhashay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in labo qarax oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ku weerareen xerada ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Doolow.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarka koobaad ay la beegsadeen halka taliska u aheyd ciidamada Itoobiya ee jooga Doolow, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in goobtaasi joogeen saraakiil katirsan milatariga Itoobiya

Warka kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa labaad oo isna loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay la beegsadeen keydka hubka iyo rasaasta u yaaleen ciidamada Itoobiya.

Ma sheegin Al Shabaab khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkan ay ku qaadeen xerada ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Doolow, waxaana warar aan helnay sheegayaan in ay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxyada.

Weerarkan Al Shabaab ku qaadeen xerada ciidamada Itoobiya ayaa kusoo aadaya, xilli maalmo kahor Al Shabaab weerar ay ku laayeen askar badan oo katirsan ATMIS ,gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Uganda ku qaadeen saldhig kuyaalla deegaanka Buulamareer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe oo tagay furumaha hore ee Dagaalka kana bilaabay abaabul Dagaal

Cabdi Cade

Soomaaliya oo Midowga Afrika ka dalbatay in laga qaado Xayiraada dhinaca hubka

Cabdi Cade

Nin isku dayey inuu dilo Raisul Wasaare Justin Trudeau oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---