Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Jubbaland oo xariga ka jaray Waddooyin Laami ah oo laga dhisay Kismaayo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xariga ka jaray shan wado oo laami ah oo laga hirgaliyay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa socod ku soo maray qaar kamid ah wadooyinka isagoo Sidoo kale madasha xarig jarka ka sheegay in Wajiga hore ee shaqadan oo hada gabo gabo ah ay ku xigto bilowga Wajiga labaad oo 14km oo dheeri ah ay Dowladu ku dari doonto.

Waxaa Madaxweynahu uu ugu baaqay dhammaan shacabka ku nool Magaalada Kismaayo inay ilaashadaan kaabayaasha hormarka isla markana ay u tanaasulaan danta guud.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa sheegay in hormarinta adeegyada bulshada ay u baahan yihiin in si wadajir ah ay uga shaqeeeyaan hay’adaha Dowlada iyo shacabka si ay u noqdaan Kuwo miro dhal ah.

Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu kormeeray qaar kamid ah tuubooyinka loogu tala galay in xiliga roobka ay biyaha ka qaadan wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada kuwaas oo Shaqo ay ka socoto.

Related posts

Xildhibaano badan ay ku jiraan kuwii lagu doortay Ceel-Waaq oo gaaray Teendhada Afisiyooni

Cabdi Cade

Qaramada Midoobey oo Warbixin ka soo saartey Dhacadii Bariire

Cabdi Cade

Booliska & Nabad sugida Gobolka Banaadir oo hal arrin uga digay shacabka Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---