Allbanaadir.com
NEWS

Maxamed bin Salmaan oo kulan si weyn looga war sugayay la yeeshay Antony Blinken

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dowladda Maraykanka, Antony Blinken ayaa Boqortooyada Sacuudiga u tagay sidii uu wadahadalo muhiim ah ula furi lahaa madaxda dalkaasi uu ugu horeeyay Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Saakay oo Arbaco ah waxaa kulan si weyn loo sugayay yeeshay  dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan iyo Antony Blinken, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen arrimo badan ay ugu horeeyaan xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Waxaa sidoo kale kulanka labada dhinac oo socday saacad ka badan looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen xiriirka Israel, colaadda Yemen, qalalaasaha ka taagan dalka Suudaan iyo sidoo kale arrimaha xuquuqda aadanaha.

Kulanka Bin Salman iyo Blinken oo ahaa mid aad loo sugayay , ayaa kusoo aaday xilli xiriirka labada dal aanu fiicneyn, sababo la xiriiraa khilaaf qotodheer oo ku saabsan qodobbo dhowr oo ah ay ku jiraan siyaasadda Iran ee arrimaha amniga gobolka, qiimaha shidaalka iyo xuquuqul insaanka.

Mareykanka ayaa sidoo kale ka shaqeeneysa sidii loo wanaajin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Boqortooyada Sacuudiga iyo maamulka Israa’iil, waxa ay sidoo kale Mareykanmka doonayaa in uu kahor tago saameynta Ruushka iyo Shiinaha ee Bariga Dhaxe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Sarkaal lala beegsaday

Caydiid Ali

Qarax lagu dilay Injineero oo ka dhacay dalka Kenya iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Ra’isul Wasaare Kheyre oo lagu soo dhaweeyay magaalada Nairobi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---