Allbanaadir.com
NEWS

Bangiga Adduunka oo Shaaciyay War ka farxiyay shacabka iyo dowladda Kenya

Dhaqaalaha Kenya ayaa la filayaa inuu si xowli ah u kobocdo sanadkan, sida uu sheegay Bankiga Adduunka Arbacadii, saadaashaas oo ku qotonta dib u soo kabashada qaybta muhiimka ah ee beeraha.

Dhaqaalaha dalka Bariga Afrika waxa uu kobci doonaan 5.0% sannadka 2023″ ayuu Bankiga Adduunku ku sheegay warbixintiisii u dambaysay ee sanadlaha ah ee Cusboonaysiinta Dhaqaalaha Kenya, taas oo kor u kacday 4.8% sannadkii hore.

Kadib abaar baahsan oo dhacday labadii sano ee lasoo dhaafay, oo meelo badan oo beeralayda ah saameysay ayaa hadda helay roobab ku filan bilihii lasoo dhaafay, kuwaas oo kor u qaadi kara wax soo saarka iyo hoos u dhigista cadaadiska sicir-bararka.

Si kastaba ha noqotee, saadaasha kobaca ayaa wajaheysa khataro dhowr ah, kuwaas oo ay ku jiraan qalelaase kale oo caalami ah oo waxyeelleeya dalabka dhoofka, sida uu sheegay Bankiga Adduunku.

Kenya ayaa sidoo kale la daalaa dhacaysa kor u kaca bixinta lacagaha deymaha ah ee dowladda, taasoo culeys ku keentay dhaqaalaha dowladda, balse qorayaasha warbixinta ayaa sheegay inay rajeynayaan inay si wanaagsan u dhacdo bixinta deyntu.

Shacabka iyo dowladda Kenya ayaa aad ugu farxay warkan kasoo baxay dowladda Kenya oo ku aadan in sare u kacayo kobaca dhaqaalaha dalka, oo muddooyinkii dambe ka jirtay xaalad dhaqaale xumo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Bangiyo waa weyn ku amray in maal galin ku sameeyaan Eeyaha Alabay !!

Cabdi Cade

Maxkamadda G/Banaadir oo bilaabeysa dhegeysiga dacwad musuq (Akhriso)

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo kulan xasaasi ah ku leh Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali