Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo Dowladda Masar ku wareejisay meydka Mohammed Salah oo ay dileen

Ciidamada Israa’iil ee jooga xadka dalka Masar ayaa toogtay askari katirsanaa ciidamada booliiska dalka Masar ,kaddib markii askarigan uu toogtay saddex askari oo katirsanaa ciidamada ilaalada xuduudaha ee Israa’iil.

 Askariga Masaarida ah ee dilka geestay ayaa lagu magacaabayay Mohammed Salah oo 22 sanno jir ahaa,waxa uuna askariga toogtay saddex askari, waxaana isna rasaas culus huwiyay oo isla goobtaasi ku dilay ciidamada Yahuuda.

War kasoo baxay dowladda Masar ayaa lagu sheegay askariga booliiska katirsanaa uu  u tallaabay dhinaca xadka Israa’iil, isagoo eryanaya mukhalasiinta daroogada, taasoo keentay inay rasaas isweydaarsadaan askarta Israa’iil.

Maamulka Israa’iil ayaa weerarka lagu toogtay askartooda ku tilmaantay mid argagaxiso, waxa ayna dowladda Masar ugu baaqeen in toogashadan askarigooda geestay lagu sameeyo baaritaano wadajir ah .

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay  fariin cad u direen dowladda Masar, waxa uuna xusay in ay ka filayaan  in baaritaanka wadajirka ah ee socda uu noqdo mid dhameystiran oo hagaagsan.

Askariga u dhashay dalka Masar ee la dilay ayaa Israa’iil sheegtay in uu sitay lix joornaal oo qorigiisa ah, iyo sidoo kale laba mindi oo dagaal ah iyo kitaab quraan, waxa ayna weerarkan ku tilmaameen mid qorsheesnaa.

Maamulka Masar ayaan ka hadlin wararkaas, mana aysan xaqiijin aqoonsiga askariga, balse mid ka mid ah qaraabada Mohammed Salah iyo xubin ka tirsan cutubkiisa ayaa  sheegay Isniintii in xubnaha qoyskan iyo saaxiibada la xiray si ay su’aalo u weydiiyaan baarayaashu.

Ehelka ayaa beeniyay in Saalax la xagjireeyay, wuxuuna soo jeediyay in laga yaabo inuu doonayay inuu u aarguto geerida saaxiibkii , oo horey u dileen ciidamada xuduudaha ee maamulka Israa’iil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Tababare reer Galbeed ah oo loo Magacaabay Xulka Qaranka K/Cagta Somalia

Caydiid Ali

Dal ka tirsan caalamka oo qofkii doonaya dhalasho iyo baasaboor kaga iibinaya milyan dollar

Caydiid Ali

Wasiirada arrimaha dibeda ee Ruushka & Ukraine oo Wadahadal ku yeelanaya Turkiga

Caydiid Ali