Allbanaadir.com
NEWS

Ciidan ay tababartay dowlada Talyaaniga oo Muqdisho lagu soo dhoweeyey (Sawirro)

Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Cusman Cabdulahi Maxamed (Kaniif) iyo Safiirka Dalka Taliyaniga u fadhiya Muqdisho, ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ku soo dhaweeyay cutub Ciidan ah oo in mudo ah tababar u jiray dalka Jabuuti.

Mashruuca MIADIT SOMALI, oo lagu tababaro Daraawiisha Ciidanka Boliisoa Soomaaliyeed lagu tababaro Jabuuti, taasoo qeyb ka ah mashruuca dib u dhiska nabadeynta Soomaaliya.

Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Cusman Cabdulahi Maxamed (Kaniif) ayaa ugu hambalyeeyey ciidankan tababarka ay soo qaateen.

“Waad ku amaanan tihiin dhabar adeegga, akhlaaqda iyo kartida aad ka muujiseen inta aad tababarka ku jirteen” ayuu yiri taliye Kaniif.

Waxa uu tilmaamay in ciidankan ay ka qayb-qaadan doonaan howlaha shaqo ee Booliska Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay inay si hufan ugu adeegaan dadkooda iyo dalkooda

Taliye xigeenka Ciidanka ayaa Dowlada Talyaaniga uga mahadceliyay garab istaagooda Ciidanka Carabinieriga iyo Dowlada Talyaaniga.

Safiirka Dalka Taliyaniga u fadhiya Muqdisho ayaa sheegay in dowladiisu ay sii wadeyso tababarka iyo tayeynta ciidanka Booliska Soomaaliyeed si DF ay uga taageeraan xoojinta amniga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wado Laami si qurux badan loo dhisay oo maanta xariga looga jaray Garawe (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Booliiska Garawe oo bilaabay howlgalo ka dhan ah Cabtoyda hubeysan iyo kuwa ka …

Cabdi Cade

Madaale oo kormeeray xabsi hadda kahor lagu xiray deeqna gaarsiiyay (Sawirro)

Cabdi Cade