Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xogta kulan dhexmaray Wasiirka Difaaca Somalia & Jen. Fayad Al-Ruwaili (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa kulan la qaatay taliyaha ciidanka xoogga dalkaas Jen. Fayad Al-Ruwaili oo Wasiirka iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyey dalkaas.

Labada dhinac ayaa ka wada hadalay iskaashiga amni ee labada dal iyo in la dagaalanka argagixisada uu Sacuudigu ku caawiyo Soomaaliya.

“Waxaan ka wadahadalnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ciidamada labadeena dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada caalamiga ah” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudiga, halkaasoo uu kulamo kula leeyahay masuuliyiinta Wasaaradda difaaca dalkaas.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka Khaliijka ee taageerada Siiya Soomaaliya gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax Madaxweyne oo ku guuleystay doorasho ka dhacday Magaalada Jowhar

Caydiid Ali

Madaxweyne Luiz da Silva oo jeegada ka dhaawacmay

Caydiid Ali

Hogaamiyaal Caan ah oo Muuqaal laga duubay iyaga oo ku maadeesanaya Donald Trump

Cabdi Cade
Taboola Ads ---