Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Magacaabay guddi Wasiirro ah iyo howsha ay qabanayaan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre  ayaa magacaabay guddi wasiirro iyo masuuliyiin kale isugu jirta oo ka shaqeenaya u diyaar garowga xuska maalmaha xuriyada.

Qoraal uu soo saaray Ra’isul Wasaaraha ayuu ku sheegay in iyada oo la garowsanayo qiimaha iyo mudnaanta ay leedahay sanad guurada 63—aad ee Gobannimada, Midnimada iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya uu magacaabay guddi qaban qaabo.

Guddigan uu magacaabay Ra’isul Wasaaraha ayaa isugu jira sideed wasiir iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana guddigan guddoomiye looga dhigay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannad kasta sameysa munaasabado waa weyn oo lagu xusayo maalmaha xuriyadda dalka gaar ahaan 26-ka Juun iyo 1-Luulyo oo ah maalmihii ay xuriyada qaateen sidoo kale midoobeen gobolada Waqooyi iyo Koonfureed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Elon Musk oo xaraashaya Astaanta Twitterka kuraas, miisas iyo qalabka muusigga

Cabdi Cade

Sawirro: Meydadka askartii Xawaadle ee lagu laayay Ceelbaraf oo la aasay

Cabdi Cade

Miisaaniyadda dowlada ee 2019 Iyo Xisaab Xirka Miisaaniyaddii 2018 oo dib loogu noqonayo iyo Sababta keentay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---