Allbanaadir.com
NEWS

Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Liibiya oo qeylo dhan kas0o diray Xabsi gudihiis

Wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Liibiya Korneel Muamar Al Qadaafi oo muddo sannado ah ku xiran xabsi kuyaalla dalka Lubnaan, ayaa bilaabay in uu ka soomo cuntada, si uu uga mudaharaadao xabsiga uu ku jiro.

Kooxo hubeesan oo u dhashay dalka Lubnaan ayaa wiilkan kasoo afduubtay dalka Syria uu gabaad ka dhignayay, waxa uuna muddo ka badan 8 sanno Hannibal Al-Qadaafi  ku xiran yahay xabsi kuyaalla dalka Lubnaan, iyada oon wax maxkamad ah lasoo taagin.

Paul Romanos oo ah qareenka wiilka Qadaafi ayaa sheegay in xaalad adag oo dhinaca nolosha ah ku heesato xabsiga uu ku xiran yahay Hannibal Al-Qadaafi , waxa uuna intaas ku daray in uu bilaabay in uu cuntada ka soomo.

Qareenka ayaa ugu baaqay dowladda Lubnaan in ay xuriyadiisa siiso Hannibal Al-Qadaafi uu sheegay in muddo 8 sanno ah bilaa maxkamad isaga xiran yahay magaalada Beyrut ee caasimadda dalka Lubnaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiisad dagaal oo saaka ka taagan Magaalada Garowe iyo Tacshiirad la maqlayo

Caydiid Ali

Somalia iyo COVID-19: Saddex bilood ka dib Casharro laga bartay iyo Caqabado..!!

Caydiid Ali

Elon Musk oo si rasmi ah ula wareegay shirkadda Twitter, shaqadana ka eryey..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---