Allbanaadir.com
NEWS

Mike Pence oo Xisbigiisa u gudbiyay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Mike Pence ayaa xisbiga Jamhuuriga u gudbiyey waraaqihiisa musharaxnimo ee caddaynaya inuu u tartamayo jagada musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga ee sannadka 2024, isaga oo xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa kula tartami doona musharaxiin kala duwan oo uu ka mid yahay madaxweynihii uu ka hoos shaqayn jiray ee Donald Trump, oo isna haatan loollan ugu jira booskaas.

Pence oo hore u soo noqday madaxweyne ku xigeen iyo guddoomiyaha gobolka Indiana, ayaa haatan go’aansaday inuu si rasmi ah uga mid noqdo musharaxiin tiro badan oo ka qayb gelaya doorashada is reebreebka ee xisbiga gudihiisa.

Mike Pence ayaa doonaya inuu iska gado, codbixiyayaasha xisbiga Jamhuuriga ee aan ku qanacsanayn hoggaaminta Trump.

Inkasta oo Trump lagu soo oogay dacwado kala duwan, haddana weli waa musharaxa ugu saamaynta badan xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa, waxaana kaalinta labaad ku jira, guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis.

Mike Pence ayaa la filayaa inuu maalinta arbacada ah si rasmi ah ugu dhawaaqo musharaxnimadiisa, taas oo ku beegan maalintii dhalashadiisa, isaga oo haatan ay da’diisu tahay 64 jir.

Pence ayaa inta badan isku tilmaama inuu yahay “qof Masiixi ah, muxaafid ah oo aaminsan xisbiga Jamhuuriga, sida ay u kala horreeyaan”, isaga oo doonaya inuu olole ballaadhan ka sameeyo gobolka Ioma, wuxuuna rajaynayaa inuu kasbado codadka dadka ku ad-adag diinta masiixiga ee la dhacsan aragtiyihiisa uu kaga soo horjeeda, in ilmaha la iska soo rido.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal ay ku dhinteen dad ka badan 40-qof oo maanta ka dhacay deegaanka Dhumay

Cabdi Cade

Daawo Muuqaal ka hadlaya Madaxwaynaha ugu saboolson dunida iyo Madaxda caalamka oo la yabay!!

admin

Naadigii K/Cagta ee Munishiibiyo oo 28 sano ka dib boorka laga jafayo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---