Ciidamada badda ee Maraykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegay inay u gurmadeen markab marayey marinka muhiimka ah ee Hormuz ka dib markii Ilaalada Kacaanka Iran ay weerareen.
Saddex markab oo kuwa ilaalada ah oo ay la socdeen ciidamo hubaysan ayaa ku dhawaaday markabka ganacsi, sida ay bayaan ku sheegeen ciidamada badda ee Maraykanka.
Waxay soo bandhigeen sawirro madow iyo caddaan ah kuwaasoo ay qaaday diyaarad ay leeyihiin ciidamada Badda ee Mareykanka, waxayna muujinaya saddex doonyood oo yaryar oo ku dhow markabka ganacsiga.
Burburiyaha gantaalaha haga ee ciidamada badda ee Maraykanka USS McFaul iyo markabka Royal Navy’s HMS Lancaster ayaa ka jawaabay dhacdada.
“Xaaladdu waxay sii xumaatay qiyaastii saacad ka dib markii markabka ganacsigu uu xaqiijiyay in weerarka degdega ah uu ka badbaaday,” ayay yiraahdeen ciidamada badda. “Markabkii ganacsigu waxa uu sii waday inuu ku sii gudbo Marinka Hormuz iyadoo aan wax dhibaato ah oo kale dhicin.”
Marin-badeedka Hormuz, oo ah afka ciriiriga ah ee Gacanka Faaris, waxaa mara 20% saliidda dunida loo iib geeyo ee ay soo saaraan dalalka carabta qaarkood.
Wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA ayaa mar dambe soo xigatay sarkaal ka tirsan ilaalada kacaanka Guard Rear Adm. Abbas Gholamshahi oo sheegay in maraakiibtiisu ay si fudud uga jawaabeen markabka xadkiisa soo dhaafay.
Dhacdadii ugu dambeysay ayaa timid ka dib dhacdooyin isdaba joog ah oo dhanka badda ah oo ay ku lug lahaayeen Iran ka dib markii Mareykanka uu si kali ah uga baxay heshiiskii nukliyeerka ee Tehran uu la galay quwadaha adduunka 2018.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com