Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Siyaasi caan ah oo qodobadii ka soo baxay Shirkii Kismaayo ku tilmaamay Qaran dumis

Cali Cabdullahi Cosoble Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeele ayaa si kulul ugu hadlay go’aanka ka soo baxay Madaxda Dowlada goboleedyada ka jira dalka ee maalmahan ku shirsanaa Magaalada Kismaayo.

Cosoble ayaa qaran dumis  ku tilmaamay go’aanada ay Kismaayo ka soo saareen Madaxda Maamul gobaleedyada, isagoo wax lala yaabo ku sifeeyey masuuliyiinta falkan isku raacay.

“Go’aanada Kismaayo ka soo baxay waa mid qaran dumisnimo ah, waxay aheyd inay cabasho iyo talo soo jeediyaan, qaabka ay u haldaan ee ahaa waxaas ayay dowladda ku fashilantay waa dhaqanka sidii ajnabi oo kale, waana wax lala yaabo”ayuu yiri Cali C/llaahi Cosoble.

Sidoo kale waxaa uu shaaca ka qaadday in dowlad gobaleedyada ay doonayaan inay dumiyaan dowlada dhexe ee Soomaaliya, dibna loogu laabto burburkii iyo dagaaladii sokeeye taaso uu ku tilmaamay arrin nasiib daro ah.

Hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada ayaa war murtiyeed shalay ay ka soo saareen Kismaayo oo uu maalmahan shir uga socday waxay eedeeymo badan ugu jeediyeen dowlada, iyagoo shaaciyey inay hakiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog kale oo laga helay sababta Shariif Xassan loogu xanibay garoonka Aadan cabdulle

Caydiid Ali

Injineero la geeyay xaruntii Wasaaradda Arrimaha Gudaha si ay u dhisaan (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamo Boolis cusub oo bilaabay iney la Wareegaan amniga Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---