Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

War cusub oo ka soo kordhay duulimaadyadii la xanibay ee Gedo iyo Muqdisho

Duulimaadyada Magaalada Muqdisho iyo gobolka Gedo ayaa maanta si kmg ah dib ugu bilowday kaddib markii muddo ka badan toddobaad ay xayiraad saarnayd.

Ilaa saddex duulimaad ayaa maanta ka kacay garoonka Doolow iyadoo ay saddex kalana tageen, berri ayaa sidoo kale la filayaa in magaalada Garbahaarrey ay tagaan duulimaadyo kale.

In kabadan toddobaad ayey duulimaadyadu hakad ku jireen, iyadoo dadka maanta ka duulay gobolka gedo ay u badnaayeen dad xujey ahaa oo ku xayirnaa gobolka iyo dad xanuunsanaa oo Muqdisho lagu soo daweynayo.

Maamulka ka taliya inta badan degmooyinka gobolkaas ayaa sheegay in markii hore ay diideen shakhsiyaad ay sheegeen in laga soo diray magaalada Kismaayo balse markii dambe uu arrrinta soo faro geliyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha dalka.

Khilaaf ayaa in muddo ahba ka taagnaa gobolka, kaasoo ku saabsan maamulka garoomada gobolka iyo kala qeybsanaanta muddada dheer jiray ee u ka taagan Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Ramaphosa oo aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee Somalia

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xariga ka jaray Xarumo cusub

Caydiid Ali

Maamulka K/Galbeed oo go’aan ka gaaray xisbiyada siyaasadeed ee dalka (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---