Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Shir looga hadlayo arrin muhiim ah ka furay Kismaayo (Sawirro)

Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland maanta ka furmay Shirka Madasha Xiriirka Arrimaha bin’aadamnimada Soomaaliya.

Shirkaan waxaa si wada jir ah u daahfuray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Qorsheynta XFS Cabdiraxmaan Beenebeene.

Waxaa ka qeybgalaya shirkaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Wasiirada Gargaarka dowlad Goboledyada, Agaasimaha Gargaarka Gobolka Banaadir ,wakiilo iyo safiiro ka socda Beesha Caalamka.

Shirkaan waxa lagu faaqidayaa
Jihaynta gargaarka iyo taakulada dadka Soomaaliyeed ee la kulma musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan fatahaadaha iyo abaaraha.

Related posts

Mareykanka oo sharciga daganaashaha siinaya nus milyan qof iyo Shuruud ku xiran

Cabdi Cade

Wiil arday ah oo kumannaan kiilo mitir usoo lugeeyay Xajka iyo Caqabadihii uu la kulmay

Cabdi Cade

Ciidanka RSF oo laga xanibay Mushaarka iyo Jeneralo Shaqada laga cayriyey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---