Allbanaadir.com
NEWS

Maan-dooriye badan iyo raggii watay oo Muqdisho lagu qabtay iyo Masuuliyiin soo aragtay (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay kormeeray howlgal ay ciidanka amniga kusoo bandhigeen Maan-dooriye iyo dadkii ka ganacsanaye, kadib howlgal laga fuliyay degmada Kaaraan.

Goobta lagu soo bandhigay maand-ooriyahan waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed G/le Sare Macalin Mahdi, Maamulka Degmada Kaaraan iyo saraakiil kale.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ku bogaadiyay ciidanka amniga sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin ka hortaga waxyaabaha halista ku ah xasiloonida caasimadda iyo mustaqbalka ummadeena, isaga oo Sidoo kale uga digay cid kaste oo ku howlan isticmaalka iyo ka ganacsiga Maandooriyaha in sharciga lala tiigsan doono

.

 

Related posts

Wasiir Oomaar: “Ethiopian Airlines uma kala gooshi karto Magaalooyinka Soomaaliya”

Caydiid Ali

Puntland oo ka hadashay dagaalkii Garowe iyo Isimo Waanwaan bilaabay

Caydiid Ali

Toogasho dad badan lagu laayey oo ka dhacday Soweto & Booliska oo ka hadlay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---