Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka Gobolka Banaadir oo caawa burburiyey Jardiinadii ugu horeysay (Daawo Sawirro)

Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay caawa fulinta amarkii ka soo baxay duqa Muqdisho ee ahaa in la baneeyo jardiinooyinka danta guud ee laga dhistay ee Magaalada Muqdisho

Waaxda Howlaha Guud ee maamulka gobolka Banaadir ayaa caawa burburisay jardiinadii ugu horeysay oo ku taalla agagaarka aargada km4 ee wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan ka soo horjeedka hotel Naasa hablood, waxaana ka dhisnaa goobo ganacsi oo gaar loo leeyahay.

Ciidamo aad u hubeysan ayaa la geeyey goobtan, kuwaasoo ilaalo ka hayey gaadiidka cagafyada ee burburinta waday iyo kuwa iska rogeyaasha oo lagu daabulayey ciida iyo dhagxaanta ka dhashay burburka.

GudoomiYaha gobolka Banaadir ayaa sheegay dhowaan iney awood u adeegsan doonaan burburinta jardiinooyinka iyo goobaha danta guud hadii aan loo dhego nuglaan amarka ay ka soo saareen arrintaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo ansixiyey Miisaaniyad KMG ah

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo Shir heerkiisu sarreeyay uga qeyb gashay Adis Ababa (Sawirro)

Cabdi Cade

Doorashada Lix kursi oo lagu waday in beri la doorto oo dib loo dhigay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---