Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan ciidankiisa loo xiray weerarkii Al-shabaab ku qaaday degaanka Buulo mareer ee gobolka Sh/hoose todobaadkii hore.
Museveni ayaa sheegay in qaladka ay sameeyeen laba ka tirsan taliyayaashiisa ciidanka oo amray in dib looga gurto saldhigga. Waxaa uu sheegay in labadaas taliye ay waajihi doonaan maxkamad ciidan.
Waxa uu sheegay in ciidankiisu ay muujiyeen adkaysi, ayna u suurtogashay inay dib u qabsadaan saldhiggii lagala wareegay
54 ka tirsan ciidamada Uganda lagu dilay weerarkii al-Shabaab ay ku qaadday saldhigii ciidamada hawlgalka Midowga Afrika ATMIS ee ku yaalla magaalada Buulo Mareer 26-kii bishii May ee aynu soo dhaafnay sida uu sheegay Musaveni.
Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inay weerarkaas ku dileen 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda, taasoo Uganda sheegtay inay tahay ka badbadis iyo dacaayad la been abuuray.
Afhayeenka ciidamada Uganda Sarreeye Guuto Felix Kulaigye ayaa horey u sheegay in ciidamo ka tirsan Uganda ay ku qabteen al-Shabaab, hase yeeshee ma uusan sheegin tirada ciidanka la qabtay oo nolosha ku wateen Al-shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com