Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Muxuu Lafragaren kala hadlay saraakiisha Xoogga dalka ee ku sugan Xudur?

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa qaabilay Saraakiisha Guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka.

Laftagareen ayaa kala hadlay saraakiishan u diyaar garowga bilaabashada wajiga 2-aad ee Dagaallada Dalka lagaga xoreynayo Al-shabaab

Kulanka ayaa ka dhacay Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool oo uu labadii maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan looga hadlayey Dardargelinta Xureynta Degmooyinka Tiyeeglow iyo Rabdhuure la qaatay Qeybaha kala duwan Bulshada kasoo jeeda Degmooyinka Rabdhuure iyo Tiyeeglow ee ku nool Magaalada Xudur.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in socdaalkiisa Magaalada Xudur inuu ku qotomo Dardargelin Wajiga 2-aad ee Dagaalka al-shabaab, Dhagax-dhiga Mashaariic kala duwan iyo U kuuragelida Baahiyaha Bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

R/W Rooble oo Wasiir katirsan Xukuumadiisa u xil saaray dardar gelinta doorashooyinka

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray RW Rooble & taliska Booliska?

Caydiid Ali

Duuliye isaga oo hawada ku jira geeriyooday iyo wixii diyaarada ka dhax dhacay geeridiisa kadib

Cabdi Cade
Taboola Ads ---