Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo shir deg deg ah ah isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ah ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Shirkaas oo ka dhici doona magaalada Muqdisho 17ka ilaa 18ka Sebteembar, 2018 ayaa looga wada-tashan doonaa dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Amniga Qaranka.

Qodobbada looga hadli doono shirka waxaa kamid ah arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhanyahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara.

Sidoo kale, waxaa shirkaas looga arrinsan doonaa arrimo muhiim u ah hannaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkeynaysaa in xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Soomaalida, iyada oo loo marayo hab ku saleysan wadatashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda qaranka, heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxtooyada oo War kasoo saartay Ujeedka Safarka Farmaajo ku tagay Asmara (Sawirro)

Cabdi Cade

DEG DEG: Qarax lala beegsaday Maqaahi ku taalla Kismaayo iyo Khasaare ka dhashay

Caydiid Ali

Madaxwayne Xasan Shiikh “Hoggaanka dalka iyo DF waxaan u sheegayaa inay waantoobaan, caqligna usoo noqdo !!

admin
Taboola Ads ---