Allbanaadir.com
NEWS

RW Xamse Barre oo qaabilay wafdi uu horkacayo Mr. Jochwn Flasbart (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha Horumarinta iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee dalka Jarmalka, Jochwn Flasbarth.

Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Jarmalka, isagoo uga mahad celiyey taageerada dhinacyada badan ee ay siiyaan Soomaaliya, sida horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada dimiquraadiyadda, xasillinta deegaanada la xoreeyey iyo tababarka ciidanka booliska.

Wasiirka ayaa dhankiisa ka mahad-naqay qaabillaadda loo sameeyey isagoo tilmaamay in dowladda Jarmalka ay si dhaw ula shaqayso Dowladda Soomaaliya isla markaana  xiriir qoto dheer ay  wadaagan labada dowladood, ayna sii wadayaan tageerada ay gacanta ugu geysanayaan dib u dhiska iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xukun dill ah oo lagu riday Maxamed Cabdixakiin Ganey oo Sabab layaab leh u dilay Saaxiibkiis

Cabdi Cade

Hogaamiye Mucaarad ah oo guul ka sheegtay doorasho labo sano ka hor dhacday

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo goordhaw magacaabay Sadex Wasiir (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---