Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Abaanduulihii Ciidanka Milateriga Somaliland oo u goostay xoogaga SSC (Sawirro)

Magaalada Buuhoodle waxaa gaaray Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Somaliland Jen. Saleyman Barre Geesood, kaasoo u soo goostay dhinaca xoogagga degaanka ee SSC.

Jen. Saleyman Barre Geesood iyo ciidamo uu wato ayaa waxaa Magaalada Buuhoodle ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan xoogaga SSC ee hogaaminaya dagaalada ka socda duleedka Magaaladaas.

Ku-xigeenkii Taliyaha Milliteriga Somaliland ayaa sheegay inay ku biiri doonaan, isaga iyo Ciidamada uu wato dagaalka looga soo horjeedo Somaliland ee ka socda Laascaaood isagoo xusay inuu u adkeysan dhibaatooyin uu sheegay in maamulka Muuse Biixi uu ku hayo shacabka SSC.

Jen. Saleebaan Barre Geesood ayaa mar lagu sameeyay shaqo joojin intii uu socday dagaalka Laascaanood. Balse ma sheegin isagu sababta keentay shaqo joojintaasi.

Ciidamada Somaliland ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood waxaa ka soo goostay masuuliyiin, Saraakiil iyo Ciidamo farabadan kuwaasoo xoogaga SSC ee dagaalka kula jira Somaliland.

Jen. Saleebaan Barre Geesood ayaa noqonaya sarkaalkii ugu sareeyey ee ka goostay Ciidamada Somaliland tan iyo markii uu qarxay dagaalka Laascaanood labo bilood ka hor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Galmudug oo faahfaahisay duqeyn ay fuliyeen Ciidamada Maraykanka

Caydiid Ali

Ku-xigeenka RW Somalia oo ka qeyb galaya Shirka Tana Forum (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Abuu Mansuur oo la Guddoonsiiyay Sharciga lagu maamulo Shaqaalaha Rayidka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---