Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Dhimashada shilkii tareen ee ugu xumaa Qarnigan oo sii kordheysa

Samatabbixiyeyaal ayaa weli wada baaritaanka dad ku dhamaaday shilkii tareen ee ugu xumaa ee Hindiya in ka badan labaatan sano.

Ugu yaraan 275 qof ayaa ku dhintay Jimcihii markii tareen rakaab ah uu ku dhacay tareen xamuul ah oo ka baxay wadada kaasoo marayay jihada ka soo horjeeda degmada Balasoore ee gobolka Odisha ee bari.

Dhimashada oo hore loogu qiyaasay 288, ayaa dib loo eegay ka dib markii la ogaaday in meydadka qaar la tiriyey laba jeer, sida lagu sheegay hadal uu xoghayaha Odisha Pradeep Jena u sheegay wakaaladda wararka ee ANI.

Shan qof oo kale oo meyd ah ayaa la keenay iskuul loo diyaarinayo meydka meel u dhow goobta uu shilku ka dhacay subaxnimadii hore ee saaka.

“Ma garanayno inta mayd kale oo iman doona,” shaqaale caafimaad ayaa yiri.

Wadooyinka tareenada Hindiya ee ay dawladdu maamusho ayaa waxaa maalin kasta isticmaala in ka badan 13 milyan oo qof maalin kasta, waxaana mudooyinkan laga deyrinayey badbaadada jidadkaas ee aan fiicnayn sababo la xiriira gabow iyo dayactir la’aan.

Ra’iisul Wasaare Narendra Modi, oo wajahaya doorasho sanadka soo socda, ayaa booqday goobta Sabtidii si uu ula hadlo shaqaalaha samatabbixinta, una soo kormeero burburka iyo inuu la kulmo qaar ka mid ah ku dhawaad 1,200 oo dhaawac ah. “Kuwa lagu helo dambiga waxa lagu ciqaabi doonaa si adag,” Modi ayaa yiri.

Baaritaan horudhac ah ayaa muujiyay in tareenka Coromandel Express oo ku sii jeeday Chennai kana yimid Kolkata uu ka dhaqaaqay jidka weyn oo uu galay jidka loop-track-dhinac loo isticmaalo in lagu dhigo tareenada – xawaare ka hooseeya 130 kph (81 mph) taasoo sababtay inuu ku dhacay tareen xamuul ah oo ku socday loop-ka sida uu sarkaal ka tirsan waaxda tareenada.

Darawallada labada tareen ee rakaabka ah ayaa dhaawacmay balse waa ay ka badbaadeen shilka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Khasaaraha ka dhashay qaraxii weynaa ee ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo kormeer ku tagay isbitaalka Guud ee magaalada Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Bangiga dhexe oo markii ugu horraysay bixiyey ruqsadda adeegga lacagaha taleefanka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---