Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay Xarunta madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Gudoomiyaha Hay’ada Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdu la socday oo halkaas gaaray shalay
Waxaa wafdiga ka mid ahaa Wasiirada Wasaaradaha Maareynta Musiibooyinka ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Somalia oo ka qeybgalaya shirka madasha arimaha gargaarka oo lagu qabanayo Magaalada Kismaayo.
Masuuliyiintan kale duwan waxaa ay Madaxweynaha Jubaland warbixin ka siiyeen howlaha shaqo ee u qabsoomay inta ay joogeen Magaalada Kismaayo.
Waxay sidoo kale ka hadleen halka ay mareyso qaban-qaabada Shirka Madasha arrimaha gargaarka oo dhawaana Kismaayo laga daahfuri doono.
Waxaa lagaga hadli doonaa shirkaas jihaynta gargaarka iyo taakulada dadka Soomaaliyeed ee la kulma musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan fatahaadaha iyo abaaraha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com