Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qaabilay Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur.
Laftagareen ayaa labada maamul ka dhgeystay Warbixino ku saabsan Xaalada Gobolka, kan Degmada iyo U diyaar garowga Wajiga 2-aad ee Dagaalka dalka lagaga xoreynayo Alshabaab.
Madaxweyne Laftagareen ayaa Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur la wadaagay socdaalkiisa Magaalada Xudur inuu ku qotomo Dardargelin Wajiga 2-aad ee Dagaalka, Dhagax-dhiga Mashaariic kala duwan iyo Ukuuragelida Baahiyaha Bulshada.
Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay si diiran loogu soo dhoweyey Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com