Allbanaadir.com
NEWS

Masjid Jaamac si qurux badan loo dhisay oo laga hirgeliyey duleedka Muqdisho (Sawirro)

Masjid Jaamac si qurux badan loo dhisay ayaa laga hirgeliyey degaanka Garasbaaley oo ka mid ah degaanada dhaca duleedka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho.

Dhismaha Masjidka cusub ee Dr. Guuleed oo socday muddo sanad ah ayaa ka kooban labo dabaq, waxaana markiiba ku tukan kara dad kor u dhaafaya illaa 1000 qof, iyadoo sidoo kale dhismaha masjidka uu ku lamaanan yahay Madrasad lagu baranayo Qur’aanka kariimka ah iyo tarbiyada Islaamka.

Munaasabada xariga looga jarayey Masjidkan ayaa waxaa ka qeyb galay Culumaa’udiin ka kala yimid gudaha iyo dibeda, aqoonyahano kala duwan, Guddoomiyaha Mu’asasada Benadir Dr. Max’ed Dheere, Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Benadir Prof.Dr. C/risaaq Axmed Dalmar, xubno ka tirsan Mu’asasiinta Jaamacada Benadir sida Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje), Dr. C/raxmaan Macallin Fiqi iyo dadweyne boqolaal gaaraya oo Masjidka ku oogay salaadii ugu horeysay ee Jimcihii ina dhaafay.

Prof.Dr. Axmed Yuusuf Guuleed oo ka mid ah Maamulka iyo Mu’asasada Jaamacadda Benadir ahna shaqsiga hirgeliyey dhismaha Masjidkan ayaa sheegay in ka dib markii uu arkay baahida uu degaanka u qabo Masjid Jaamac ah uu ku fekeray ALLE-na uu waafajiyey Talaabadan.

“Degaanka Garasbaaley waxaa uu ka mid yahay meelaha sanadahan dambe sida weyn loo soo degay, baahi weyn looga qabay Masjid weyn oo Jaamac ah iyo Madrasad lagu barto diinta, dhismaha masjidkan waxay aheyd riyo aan muddo dheer ku taamayey, waxaana ILAAHAY mahadiis ah in riyadaas ay maanta rumowday” ayuu yiri Prof. Guuleed oo shacabka degaanka ugu baaqay iney ku dedaalaan ilaalinta iyo xanaanada Masjidka.

Waxaa munaasabada furitaanka masjidkan ka hadlay qaar ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo ka waramay fadliga iyo khayrka laga helo aduun iyo aakhiro dhismaha Beytka ALLE, waxayna u duceeyeen Dr. Guuleed iyo dadkii kale ee ku caawiyey dhismaha masjidkan inuu ALLE uga dhigo sadaqo Jaariya ah oo oo lagu liibaano labada Daarood.

Waxaa sidoo kale, Munaasabadan khudbado ka jeediyey qaar ka mid ah mas’uuliyiintii iyo aqoonyahanadii goob jooga ahaa oo Dr.

Axmed Yusuf Guuleed ugu hambalyeeyey dhismaha masjidkan oo ay sheegeen in dadka degaanku ay baahi badan u qabeen, waxayna intaa ku dareen in Dhaqtarka uu ALLE waafajiyey khayrkan, loona baahan yahay in looga daydo.

Dr. Axmed Yuusuf Guuleed waa dhaqtar Soomaaliyeed oo ku taqasusay daweynta cudurada gudaha iyo Sambabada (Consultant Internal Medicine & Pulmonology) waxaana uu ka mid ahaa dhaqaatiirtii ka soo baxay Jaamacadii hore ee Ummada, isagoo taqasusyo kala duwana ku soo qaatay dalal ka tirsan qaarada Yurub.

Prof. Guuleed oo leh khibrad shaqo oo 40 sano ka badan ayaa sidoo kale ah samafale si weyn uga qeyb qaatay 30kii sano ee la soo dhaafay ogaanshaha iyo daaweynta cudurka Qaaxada, taasoo si weyn wax uga tartay dedaalka loogu jiro ciribtirka cudurkan.

Sidoo kale Dr. Guuleed Waa aasaasaha Isbitaalka takhasusiga ah ee Guuleed oo ah Isbitaal guud oo sidoo kale daawo iyo la talin Bilaash ah laga siiyo dadka la ildaran cudurka Qaaxada ama TB-da, taasoo ay ka faa’ideysteen dad aad u fara badan oo haatan cudurkaas halista ah ka xoroobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dowladaha Somalia iyo Norwey oo ka wadahadlay qodobo Muhiim ah

Caydiid Ali

Sii hayaha cusub ee Safaaradda Somalia ee dalka Uganda oo xilka la wareegay (Daawo Sawirada)

admin

Wasiir ka tirsan Xukuumada RW Rooble oo sheegay in Somalia uu ka jiro musuq-maasuq

Caydiid Ali