Golaha Doorashooyinka sare ee Turkiga ayaa daabacay hantida Madaxweynaha Erdogan iyo Xaaskiisa Emine Erdoğan.
Madaxweyne Erdogan ayaa waxa 1,800,000 oo lira ($86,000) ugu kala jira afar koonto bangi. Waxaa sidoo kale ey Golaha Doorashooyinka sheegeen in Erdogan lagu leeyahay deyn dhan 5,400,000 lira ($257,000). Deynta waxa ku leh walalkiis Mustafa Erdogan.
Sidoo kale, Erdoğan wuxuu leeyahay laba guri oo ku yaalla degmada Üsküdar ee Istanbul, kuwaasoo mid kasta lagu qiimeeyey 7.7 milyan lira ($367,000).
Erdogan iyo xaaskiisa waxay sidoo kale leeyihiin dhul dhan labo kun oo mitir oo laba jibbaaran kaasoo 1988 ay ka gateen tuulada Dumankaya ee Güneysu, Rize, iyo guri ku yaal degmada Kısıklı ee Üsküdar. Istanbul waxay ku leeyihiin laba saami oo midkiiba qiimihiisu dhan yahay 7 milyan iyo 695 kun oo Lira kaasoo ay gateen 2019.
Mushaarka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sanadkii 2022 kor u kacay 14.4%, isagoo markii hore ahaa 88,000 oo Lira ayaa gaaray 100,750 Lira, taasoo qeyb ka ah hindise miisaaniyadeed oo horey loo aqbalay. Mushaharka madaxweynaha ayaa la saadaalinayaa inuu kordho 119,000 oo lira sanadkan 2023 iyo 131,000 oo lira sanadka 2024.
Munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan oo dhawaan dib loo doortay ayaa xalay ka dhacday magaalada Ankara, waxaana ka qeyb galay madax fara badan oo ka kala timid caalamka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com