Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aadan Madoobe oo u dhoofay dal carbeed & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gelinkii dambe u amba baxay dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa casuumaad ka helay dhigiisa Boqortooyadda Sacuudiga Mudane Dr Cabdullaahi bin Maxamed bin Ibraahim Aala Shiikh.

Waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan hogaanka Baarlamaanka dalkaas mudada afarta maalmood ah ee uu ku sugnaan doono Sacuudiga sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska warfaafinta golaha shacabka.

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa horey u sii raacay dayuurad Muqdisho ka qaaday qeybtii ugu horeysay Xujayda Soomaaliyeed ee sanadkan soo gudanaya waajibaadka Xajka ee sanadkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska DF oo xiligii salaada Jimcaha xiray Masaajidada Muqdisho qaarkood

Caydiid Ali

Xukuumada Soomaaliya oo beenisay Warar laga faafiyey Ra’isul Wasaare Rooble

Caydiid Ali

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia oo War-Saxaafadeed soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---