Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xogta kulan uu ka qeyb galay Raisul Wasaare Xamse oo ka dhacay Xalane (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Qarannimada Dowladda Talyaaniga oo lagu qabtay Safaaradda ay ku leeyihiin Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey Talyaaniga kaalinta ay ka qaataan dowladda dhiska Soomaaliya, isla markaana ay ka go,an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.

“Waxaa farxad ii ah in galabta aan idin kala soo qayb galo xuska maalinta  qarannimada Talyaaniga, si aan u xusno xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal, dalkeenna markii uu ka dillaacay dagaalkii sokeeye ee kala dhantaalay, waxaan idin kaga mahadcelinaynaa qaabkii gobannimada badnayd ee Shacabka iyo Dowladdu gacmo furan ku soo dhaweeyeen qaxootigii Soomaaliyeed oo ay siiyeen fursado ay noloshooda dib ugu dhisaan”  ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Talyaaniga ayaa ka mid ah saaxiibada dowlada Soomaaliya, waxayna safaarad ku leedahay magaalada Muqdisho, iyadoo Soomaaliya ka wada mashaariic kala duwan oo horumarin ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo amar culus soo saaray

Caydiid Ali

Mashruuc biyo mareen isku xiraya Ceel-Qalow iyo Badda oo maanta la dhagax dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddiga madaxa banaan ee Xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland oo la magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---