Allbanaadir.com
NEWS

Saddex Israailiyiin ah oo lagu dilay dagaal ka dhacay xadka Masar (Sawirro)

Dagaal ka dhacay xadka koonfureed ee Israa’iil ay la wadaagto Masar ayaa sababay dhimashada saddex askari oo Israa’iili ah iyo sarkaal Masari ah sida ay saraakiishu sheegeen..

Israa’iil ayaa sheegtay in Ilaalada xuduudka Masar ay u gudbeen Israa’iil ayna dileen saddexda askari ka hor inta aysan si xun u toogan ciidamada. Masar waxay sheegtay in markii ay ciidankeeda galeen xadka Israa’iil ay baacsanayeen dadka daroogada ka ganacsada.

Israa’iil iyo Masar waxay nabad ku jireen in ka badan 40 sano waxayna leeyihiin iskaashi amni oo xooggan. Dagaallada u dhexeeya dhinacyada ayaa ah mid aad dhif u ah.

Lt. Col. Richard Hecht, oo ah af hayeenka ciidamada Israel, ayaa sheegay in dagaalku uu billowday habeen hore markii askartu ay fashiliyeen isku day daroogo oo laga soo waday xadka.

Waxa uu sheegay in dhowr saacadood kadib ay toogasho ku dileen laba askari oo ku sugnaa goob ay waardiye ka hayeen. Meydadkooda ayaa la helay rasaasta ka dib, markii ay ka jawaabi waayeen isgaarsiinta.

Ciidanka ayaa sheegay in ilaalada xuduudka Masar lagu dilay israsaasayn labaad oo ay isweydaarsadeen askari saddexaad oo Israa’iili ah.

Milateriga Masar ayaa sheegay in askari ka tirsan ilaalada xuduudka Masar uu ka soo tallaabay xayndaabka ammaanka xuduudka, kadibna ay rasaas is weydaarsadeen ciidamada Israa’iil, xilli uu baacsanayay dadka daroogada ka ganacsada. War qoraal ah oo ay soo saartay ayaa lagu sheegay in ciidamada ilaalada xadka Masar  ay dileen dilay saddex askari oo Israa’iili ah.

Hecht waxaa uu sheegay in baaritaan la samaynayo iyadoo si buuxda loola kaashanayo ciidamada Masar. Waxa uu sheegay in ciidamada ay ku raadjoogaan rag kale oo ay suuragal tahay in ay weeraraan.

Waxay ahayd rasaastii ugu horreysay ee dhimasho sababtay oo ka dhacda xadka Israa’iil iyo Masar muddo toban sano ah.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in askarta la dilay mid ka mid ah ay ahayd haweeney.

Dembiilayaasha ayaa mararka qaarkood ka tahriibiya maandooriyaha xadka, halka kooxaha islaamiga ahi ay sidoo kale ka hawl-galaan waqooyiga Sinai ee Masar.

Israa’iil iyo Masar waxay saxiixeen heshiis nabadeed 1979-kii waxayna ilaashadaan xiriir dhow oo dhanka ammaanka ah. Dagaalada ka dhaca xadka ay wadaagaan waa naadir.

Rasaasta la is weydaarsaday ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacday agagaarka xadka Nitzana ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Masar. Isgoysku wuxuu ku yaalaa meel 40 kiiloomitir (25 mayl) koonfur bari ka xigta meesha ay ku kulmaan xudduudda Israel ee Masar iyo Marinka Qaza. Waxaa loo isticmaalaa in laga soo dejiyo alaab Masar u socota Israa’iil ama Marinka Gaza ee ay Xamaas maamusho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano ka tirsan Puntland oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shil gaari

Caydiid Ali

USA oo Muqdisho ka dhiseysa Xero lagu tababaro ciidanka Galeyr

Caydiid Ali

Faahfaahino ka soo baxaya dagaal iyo duqeymo culus oo ka dhacay degmada Waajid

Caydiid Ali
Taboola Ads ---