Allbanaadir.com
NEWS

Taliska booliiska oo War kasoo saaray Muuqaal jir dil ah oo baraha bulshada ku baahay

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay uga hadleen muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay oo ka muuqanayay jir dil ciidamo katirsan taraafikada u geesanayeen nin baahiyada gaarka ah qabay.

Muuqaalka ayaa laga daawanayay askar katirsan ciidamada taraafikada oo xafiiskooda ku jir dilaya nin la sheegay in uu katirsanaa ciidanka dowladda, kuna curyaamay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen hotelka Hayat.

Qoraalka kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in lasoo xiray askartii ku lugta laheyd jir dilka, waxa ayna booliiska sheegeen in ay socdaan baaritaano la xariira kiiskan jir dilka ah ee ka dhacay xarun ay leeyihiin ciidanka taraafikada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyey degmada H/wadaag

Caydiid Ali

Dowladaha Somalia & Turkiga oo heshiis ku kala saxiixday Ankara (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Maxkamad Xabsi ku xukuntay Mid ka mid ah fanaaniinta ugu caansan Soomaalida

Caydiid Ali
Taboola Ads ---