Jaamacadda Jamhuuriya ee Culuumta iyo Tiknaloojiyadda (JUST) ayaa lagu qabtay xaflad lagu daah furayay sanad dugsiyeedka cusub ee 2018-19 sidoo kalane lagu soo dhaweynayay ardayda cusub ee Jaamacadda kusoo biiray sanadkaan, kaasi oo ay ka qeyb galeen maamulka sare ee Jaamacadda.
Waxaa ka hadlay madasha xaflada Guddoomiyaha jaamacadda Eng Mohamed Ahmed Mohamud, oo ardayda cusub kusoo dhaweeyay jaamacadda, sidoo kalane uga warbixiyay hiigsiga jaamacadda.
Waxaa sidoo kale ardayda cusub lahadlay dhamaan madaxda kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda iyo guddoomiyaha midowga ardaya jaamacadda Jamhuuriya, dhamaantoodna waxay si diiran u soo dhaweeyeen ardayda cusub kuna booriyeen inay ku dadaalaan waxbarashada si ay uga mira dhaliyaan.
Ugu dambeyntii goobta waxaa suugaan soo dhaween ah ka tiriyay Abdirisaq Isak oo ka tirsan ardaya jaamacada, waxaana ardayda cusub ee kusoo biirtay jaamacada muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin in ay kusoo biiraan Jaamacada Jamhuuriya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com