Waxaa maanta xuriyadiisa dib u helay Gudoomiyihii degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir Cumar Shariif Jeeg oo shantii bishan Shaqo joojin lagu sameeyay kadibna xabsiga la dhigay.
Cumar Shariif Jeeg ayaa markii xabsiga laga soo daayay dadweyne taageersanaa la hadlay ayaa u mahad celiyay dadkii ka dhii dhiyay xarigiisa sidoo kale gacanta ka geestay in uu dib u helo xuriyadiisa.
Waxa uu sheegay Gudoomiyihii degmada Xamar Weyne in lagu xiray dulmi iyo gardaro, waxa uuna cadeeyay in uusan marna ka ganban doonin in uu ka hadlo musuq maasuqa iyo in xoog lagu qaato dhul kuyaala gobolka Banaadir.
” Waxaan dadka Soomaaliyeed u sheegayaa xil aan haayo ama yaanan heyn in aanan ka aamusi dooni Musuq maasuqa iyo in xoog lagu qaato dhul kuyaala gobolka Banaadir” Ayuu yiri Cumar Shariif Jeeg.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 5-tii bishan shaqo joojin ku sameeyay Gudoomiyihii degmada Xamar Weyne kadibna xabsiga dhigay , waxaa masuulkan sababta loo xiray lagu sheegay in uu wax ka sheegay booliiska , maamulka gobolka iyo R/Wasaare Kheyre.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com